Dowladda oo dib u heshay 2 bilyan oo laga lunsaday

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in dowladda dhexe ay dib u soo ceshatay lacag dhan 2 bilyan oo shilin oo u dhiganta 20 milyan oo doolar taasoo horay loo dhacay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sannadkan gudihiisa la rajeynayo in maxkamadda la soo taago saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan kuwaasoo musuqmaasuq lala xiriirinaya.
Mr.Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba aan laga daali doonin dacwadaha lagu soo oogo shakhsiyaadka lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan gudashada waajibaadka loo igmaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah falalka wax isdaba marinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here