Dowladda oo difaacday qaadashada deymaha shisheeye

65

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Henry Rotich oo shalay soo bandhigay miisaaniyad sannadeedka 2019- 2020-ka ayaa sheegay in deymaha shisheeye ee ay dowladdu qaadato ay yihiin kuwo xaddidan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in amaahda la siiyo maamulka talada haya ee Jubilee ay tahay mid la maareyn karo sido kalena la filayo inay hoos u sii dhacdo.
Mr. Rotich, ayaa ku nuuxnuuxsaday in deymaha tusaale dowladda Kenya ay ka soo qaadatay Shiinaha in loo adeegsaday oo keliya maalgelinta mashaariicda horumarineed.
Dhanka kale wasiirka ayaa shaaciyay in si loo yareeyo qarashaadka ku baxa howlaha dowladda, laga billaabo 1-da bisha toddobaad ee sannadkan dhammaan wasaaradaha kala duwan iyo waaxyaha hoos tago ay gudaha dalka baabuur ka iibsan doonaan.
Sido kale qarashaadka loo adeegsado safarrada dibadda ee saraakiisha dowladda ayaa lagu maareyn doonaa kaar dijitaal ah.
Sido kale waxaa lacagaha gunnooyinka qaadan doono oo keliya mas’uuliyiinya howlo shaqo u safraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here