Dowladda oo digniin adag ka soo saartay goobaha lagu iibiyo khamrada

Xukumadda dalkani Kenya waxaa ay mamnuucaday in laga bilaabo 7:30 fiidnimo in aan qofna lagu dhex arki Karin isaga oo ku jira goobaha lagu caweeyo oo ay dadkana ka cabaan khamriga maandooriyaha ah.
Qof walba oo lagu arkaa isaga oo ku sugan goobaha khamriga waxaa lagu ganaaxaya in ka badan 20,000 ama 9 bilood oo xabsi ah.
Tan ayaa timid ka dib markii ay sii kordheen kiisaska Corona Virus ee dalka.
Waxaana maalmihii la soo dhaafay laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen dad badan oo ku sugnaa goobaha lagu cabo khamriga kuwaas oo aan xita hilmaamay u hogaansamka amarkii dowladda.
Dadkii badankooda lagu qabtay iyaga oo ku sugan goobaha lagu caweeyo ma aysan qabin af-xirka ama maskaarada .
Sido kale qaarkooda ma aysan ilaalin kala fogaanshahalogu tala galay in lagu xakameeyo fayruuskan.
Waxaa ka mid ah dadkii lagu dhex qabtay goobaha baararka senetyarka ismamaulka Nairobi Jhonson Sakaja oo maantana maxkmada la soo taagay isagoona lagu ganaaxay 15,000 kaddib markii uu qirtay dacwad lagu oo oogay oo ahayd inuu jebiyay amarka bandowga ee habeenkii.
Garsoore Roselyne Onganya ayaa go’aankan ku saleysay inay tahay markii ugu horeysay ee uu Sakaja dembi galo.
Senatarka Nairobi oo ay u doodayeen qareenada kala ah John Khaminwa iyo Julie Soweto ayaa sheegay inuu bannaanka ku sugnaa xilli aan haboonayn.
Qareenada ayaa maxkamadda ka codsaday inay eedeysanaha u dhimriso maadaama uu quddiisa ka shalaayay falka uu ku kacay sido kalena kenyaanka ka raali geliyay.
Mr. Khaminwa ayaa sheegay in muddo 50 sano ah oo uu siyaasiyiin matalayay uu Johnson Sakaja noqday qofkii ugu horeeyay ee ku wargeliyay inuu qiranaya dembiga loo haysto.
Habeenimadii ay sabtida soo galaysay ayaa la qabtay isaga iyo eedeysanayaal kale oo boolisku ay sheegeen inay ku sugnayeen goob lagu caweeyo.
Bandowga oo shaqeeya inta u dhaxaysa 9-ka fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo ayaa dalka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda dhexe ku xakameynayso faafitanka fayrska corona.
Mr. Sakaja oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu bixiyay ganaaxii la saaray wuxuuna mar kale carrabka ku dhuftay baaqii uu shalay shacabka u jeediyay ee ahaa inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuu khaldamay sidaas awgeedna uu qaadanayo mas’uuliyad shakhsiyeed isagoo dhanka kale iska casilay xilka guddoomiyaha guddiga aqalka sare u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID-19 ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here