Dowladda oo digniin ka soo saartay dagaallada shacabka deggan xuduudda Wajeer iyo Marsabit

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwida howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa uga digay hoggaamiyayaasha laga soo dorto Gobolka waqooyi Bari iyo Marsabit kicinta shacabka deeganadaasi.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport xili uu gudoomayay saraakiishi ku dhaawacmay diyaaradii shalay ku burburtay Meru.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in laamaha amaanka ay wax ka badali doonaan istaraatijiyadooda ku aadan qaabka loo wajahaayo amaanka deeganadaasi.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiil hor la geyn doono gobolkaasi sii ay uu xasiliyaan amaanka.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in mar waliba ay saraakiisha amaanka ku dhaawacmaan dadaalada lagu xasiilinaayo amaanka gobolkaasi.
Wasiirka ayaa ugu baaqay gobolkaasi in uu wax ka baarto gobolada kale ee dalka ee qaabka wada hadalaada ay wax ku xaliyaan.
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka warbixiyay xaaladda saraakiishii ku dhaawacmay shiilkii diyaarada ee shalay subax isagoona sheegay in marka laga reebo guddomiyaha amaanka ee Gobolka bariga dalka Isaiah Nakoru oo ay xaaladiisu aad u liidato halka saraakiisha kale ay xaaladoda dagan tahay.

Saraakisha shilka galay ayaa u soocday ismaamulka Marsabit halkaasi oo ay uga qayb gali lahaayen Shir kusaabsan amaanka.
Dhanka kale, Maamulka hay’ada Duulista Rayidka ee Kenya ayaa sheegtay in ay bilaabeyso baaritaano ku aadan wixii dhaliyay shilkasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here