Dowladda oo digniin ka soo saartay imtixaanka KCSE-da

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo qorsheynaysa inay wax isdabamarin sameyso xilliga imtixaanaadka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare (KCSE) ee sannadkan oo berri billaabanaya.
Wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ayaa sheegay in maamulada kala duwan ee wadanka inay ka warqabaan dugsiyo doonaya inay xatooyo sameeyaan balse tallaabo sharciyeed laga qaadayo.
Prof. Magoha ayaa xusay in iskuday kasta oo ku saabsan in ardayda loo fududeeyo qishka imtixaanaadka aan marnaba loo dulqaadan doonin.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan khasab ahayn in la sugo xilliga la saxayo warqadaha imtixaanaadka si loo ciqaabo ardaygii wax isdabamarin ku kacay.
Sido kale waalidiinta ayuu uga digay inay carruurtooda siiyaan lacago ay doonayaan in loogu fududeeyo xatooyada maadaama taasi ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalkooda.
Arday ay tiradoodu ku dhowdahay 700 oo kun ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanka qaran ee shahaaddiga ee KCSE-da.
Wasaaradda waxbarashada ayaa saraakiisha loo xilsaaray maareynta imtixaanaadka kula dardaarantay inay u hoggaansamaan xeerarka degsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here