Dowladda oo diyaarado u adeegsanaysa Ayax saameeyay Samburu

Kooxaha qaabilsan ka falcelinta musiibooyinka ayaa billaabay in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsadaan buufinta Ayax ku degay qaybo ka mid ah ismaamulka Samburu.
Malaayiin ka mid ah cayayaankan ayaa saameyn ku yeeshay bariga Afrika waxayna hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee (FAO) tani ku tilmaantay dhibaatadii ugu darneyd ee noocan ah muddo rubuc qarni.
Ayaxa ayaa khatar gelinaya wax soo saarka dhanka cunnada ee Samburu oo ilaa 130,000 qof ay ka soo kabanayaan culeyska ka soo gaaray abaaro iyo daadad.
Sarkaalka ugu sarreeya waaxda ismaamulka Samburu u qaabilsan barnaamijyada gaarka ah Daniel Lesaigor ayaa sheegay in isticmaalka drones-ka ay wax ku ool tahay maadaama Ayaxa lagu buufinaya isla goobta lagu arko.
Waxaa uu xusay in cayayaankan uu burburiyay dalagga degmooyinka Porro iyo Ndoto .
Hay’adda FAO ayaa sheegaysa in Ayax ku degay ilaa hal kiiloomitir oo labo jibaar ah uu hal maalin gudaheed quudan karo wax la mid ah cuntada ay qaataan 35,000 oo qof.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here