Dowladda oo faahfaahin ka bixisay dad ku dhintay galbeedka Pokot

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta isugu jirto dhimasho iyo barakac ee ka dhalatay dhul go’o maalmo ka hor ku dhuftay ismaamulka galbeedka Pokot.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay magaalada Kapenguria ee dowlad deegaankaasi ayuu sharaxay saameynta guud ee roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah wadanka.

Waxaa uu sido kale sheegay in ilaa iyo hadda 43 qof oo qaarkood ay carruur yihiin la xaqiijiyay inay ku dhinteen galbeedka Pokot.

Haddaba dadaal intee dhan ayay dowladda dhexe ku bixisay in gurmad la gaarsiiyo shacabka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen roobabka culus.

Mr. Oguna ayaa sido kale cid kasta oo awooddo inay gargaarka loo fidinayo dhibbanayaasha ka qeyb qaadato baaqan u diray .

Wuxuu dhanka kale dadweynaha ku booriyay inaynan fududeysan digniinnada ka soo baxo dowladda si loo badbaadiyo noloshooda iyo hantidooda.

Sido kale waxay cabasho ka soo yeeraysaa ilaa 600 oo qoysas ah oo daadadka ay ku barakiciyeen ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here