Dowladda oo faahfaahisay duulimaadyadii si toos ah uga imaan jiray Soomaaliya ee la hakiyay

76

Agaasimaha guud ee waaxda duulimaadyada dalka ee KCAA Captain Gilbert Kibe, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay in muddo ah hakad gelisay diyaaradihii si toos ah uga imaan jiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuna soo deggi jiray Nairobi
Tallaabadani ayuu hoosta ka xariiqay inay tahay mid loo aaneynayo sababo amniga la xariira.
Shirkadaha diyaaradaha kala duwan ayaa lagu amray in marka ay Muqdisho ka soo duulaan ay soo maraan magaalada Wajeer halkaasi oo baaritaano lagu samaynayo ka hor inta aynan u soo dhaafin magaala madaxda dalka.
Mr. Gilbert Kibe ayaa sido kale sheegay in hakadka ku yimid duulimaadyada uu ku egyahay ilaa 9-ka bisha sideedaad ee sannadkan xilligaasi oo dib u eegis la samayn doono si loo qaato go’aan ah in diyaaradaha ay si toos ah Nairobi u imaanayaan iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here