Dowladda oo fududeynaysa xeerarka aaska ee Covid19

Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay inuu jiro qorsho ay dowladda ku qafiifinayso xeerar ku saabsan aaska meydadka oo horay loo soo saaray si looga hor tago faafidda coronavirus.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka qaar la fududeyn doono si eheladda laga dhintay ay si sharaf leh meydka u aasaan.
Waxaa uu Dr. Aman xusay in amarii horay loo soo saaray qaar ka mid ah dib laga dareemay inay adkaayeen .
Maalmo ka hor ayay dowladdda tirada dadka ee ka qayb geli karo aaska iyo xafladaha arooska oo ahayd 15 qof ka dhigtay 100.
Ilaa iyo hadda 599 qof ayaa gudaha wadanka ugu dhimatay cudurka Covid19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here