Dowladda oo gaadiidleyda ku xirtay shuruudo ku saabsan COVID19

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha wadooyinka ee dalka Mr. James Macharia ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha loo ogolaanaya inuu shaqeeyo keliya marka howlwadeenada ay qaataan shahaado ay bixinayso wasaaradda caafimaadka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu soo afjaray amarkii lagu xayiray safarrada u dhaxeya ismaamulka Nairobi iyo dowlad deegaanada kale ee dalka.
Mr. Macharia ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay inay jirto shahaado muujinayso in shirkaddaas ay si buuxda ugu hoggaansantay tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda fayraska corona ka hor inta aan loo ogolaan inay shaqeyso.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dokumeentigan la bixinaya laga billaabo maanta oo khamiis ah.
Waxaa uu amar ku bixiyay inuunan safrin baabuur aan sidan warqaddan.
Amarrada la doonayo inay gaadiidleyda dhaqangeliyaan waxaa ka mid ah kala fogaanshaha rakaabka, fududeynta dabagalka lagu sameeyo shakhsiyaadka la macaamilo dadka cudurka looga shakiyo iyo maareynta kiisaska COVID19 ee gudaha waaxyaha gaadiidka.
Shaqaalaha baabuurta dadweynaha ayaa laga doonaya inay xaqiijiyaan in rakaabka ay gacmaha dhaqdeen , ay sitaan maaskaro sido kalena la baaray heerkulka jirkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here