Dowladda oo gaashaanka u daruurtay in la joojiyo duulimaadyada tooska ah ee dalka Shiinaha

Dowladda ayaa ku gacan seertay baaqyada uga imaanaya dadweeynaha ee ah in la joojiyo dhamaan duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Kenya.
Baaqyada la jeedinaya ayaa yimid kaddib markii Arbacadii sida la sheegay diyaarad siday 239 rakaab ah oo ka soo duushay Shiinaha ay ka soo caga dhigatay gagida Caalamiga ah ee diyaaraha ee Jomo Kenyatta .
Dowladda ayaa sheegtay in dhamaan dadkaasi ay mareen baaritaano isla markana loogu baaqay in ay dibadda u soo bixin muddo 14 maalmood ah.
Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka, Rashiid Aman ayaa sheegay in dhamaan rakaabka ka imanaya dalka Shiinaha iyo wadamada lagu arkay caabuqa Coronavirus iyo cudurka uu sababo ee COVID-19 ay marayaan baaritaano adag ka hor inta aan la fasaxin.
Dr. Aman ayaa xusay in ay tahay tallaabo lagu takoorayo muwaadiniinta Shiinaha hadii loo diido inay u soo safraan dalkani Kenya maadama cudurkan uu ka imaan karo dhinac walbo waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxaa xiisad ka dhalatay deegaanka Athi River kadib markii muwaadiniin Shiiniis ah oo ka soo dagay gagida caalamiga ah ee JKIA ay halkaasi tageen iyaga oo uu wajiga u xiran yahay.
Waxaa la sheegay inay qayb ka yihiin 239-kii rakaab ee ka yimaaday dalka Shiinaha kuwaas oo lagu booriyay inay dibada u soo bixin muddo labo toddobaad ah.
Guddoomiye ku-xigeenka Athi River David Juma ayaa hoosta ka in ninkan uu ka soo safray wadanka Shiinaha isbuucan gudihiisa.
Saraakiisha caafimaadka ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed ayaa la sheegay in loo dirayo goobtaasi.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay in ay feejignaan dheraad ah muujinayaan si looga taxadaro in uu cudurkan soo gaaro dalka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay heshay 17 dignino oo ku saabsan cudurkan balse dhamaantood laga waayay caabuqa.
In ka badan 615 saraakil oo ah kuwa caafimaadka ayaa la geeyay dhamaan meelaha lagasoo galo garoomada halka kuwo dheeraad ah loo diray garoonka caalamiga ah ee JKIA.
Caabuqa Coronavirus ayaa waxaa uu weli soo gaarin dalkani Kenya balse waxaa uu guud ahaan caalamka ku dilay dad dhan 2,800 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here