Dowladda oo gacma-nadiifiye si bilaash ah ugu qaybinaysa shacabka

Dowladda dhexe ayaa guda galaysa inay daawada gacmaha lagu nadiifiyo ee loo yaqaano Hand Sanitizer ay si lacag la’aan ah dadweynaha ugu qaybiso.
Shirkadda Dowladda ee (KPC) oo kaashanaysa waaxyo si gaar ah loo leeyahay ayaa ku howlan in shacabka la gaarsiiyo 130,000 liitar oo daawadan ah si lagula dagaalamo cudurka coronavirus.
Waxaa lagu isticmaali doonaa guriyaha iyo xarumaha sida isbitaallada , suuqyada iyo saldhigyada booliska.
Agaasimaha guud ee shirkadda KPC, Macharia Irungu ayaa sheegay in muddo laba toddobaad ah ay ku dadaalayaan in la soo saaro daawo ay dadweynaha u isticmaali karaan ka hor tagga cudurka COVID-19.
Mr. Irungu ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda ay ku xakameynayso faafitaanka xanuunka Coronavirus.
18-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu soo saaray qoraal ku aaddan in shacabka si lacag la’aan ah loogu qeybiyo daawada ku habboon nadiifinta gacmaha.
Xoghayaha wasaaradda batroolka ee dalka ,Andrew Kamau ayaa sheegay in la gaarsiin doono dhammaan dadweynaha ku nool qeybaha kala duwan ee wadanka in kastoo ay si gaar ah uga faaiidaysan doonaan shacabka deggan xaafadaha isku raranta ah.
Shirkadda KPC ayaa dhanka kale sheegtay in ilaa 93,000 Liitar oo Hand sanitizer ah in la gaarsiiyay ismaamullada Nairobi, Kilifi, Mombasa, Kwale , Nakuru. Siaya, Kajiado, Kiambu, Muranga, Makueni iyo Machakos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here