Dowladda oo hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Talyaaniga

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka , Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday in la hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee looga soo safri jiray waqooyiga wadanka Talyaaniga ilaa iyo Nairobi.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hor tago caabuqa coronavirus oo kiisas cusub oo la xiriira dhawaan halkaas lagu arkay.
Meelaha Talyaaniga ka tirsan ee aan Kenya looga soo safri karin ayaa ah magaalooyinka Verona iyo Milan.
Arrintan ayaa timid kaddib wada tashi ay dowladdu la yeelatay safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay Nairobi.
Magaalooyinka Kilifi, Malindi iyo Watamu ee gobolka xeebta ayaa waxaa inta badan howlo dalxiis u yimaada dad dhalasho ahaan ka soo jeedo Talyaaniga waxayna tani keentay in sannadihii ugu dambeeyay waqooyiga xeebta ee dalka loogu magacdaray ‘Little Italy’ oo loola jeedo Talyaanigii yareyd.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda qaar ka mid ah wadamada caalamka ay in ka badan 3000 oo qof ugu dhimatay caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha.
Waxaa firuusigan uu saameeyay in ka badan 88,000 qof halka wadamada uu ku fiday ee kiisas la xiriira lagu arkay ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 60.
Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabooyin ay ka mid tahay in la xaddido duulimaadyada wadamada Italy, Kuuriyada Koonfureed iyo Iiraan iyadoo dadkii ka yimaada la karantiilaya muddo 14 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here