Dowladda oo hal sano ku dartay mudada la mamnuucay jaridda dhirta

Wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka ayaa kordhisay mudadii lagu mamnuucay in dhirta la jaro taaso hadda lagu daray hal sano oo dheeraad ah.
Dowladda dhexe ayaa markii ugu horreysay amarkan soo saartay 24-kii bishii labaad ee sannadkii hore.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xilligaasi sheegay inaan muddo saddex bilood ah la jari karin dhirta si looga soo saaro waxyaabaha geedaha laga sameeyo sida alwaaxyada.
Wasiirka wasaaradda deegaanka Keriako Tobiko ayaa mudadaasi ku daray 6 bilood oo dheeraad ah.
Waxay ku ekeyd bishii 11-aad ee sannadkii hor ka hor inta aan hal sano lagu sii kordhin.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha deegaanka ee dalka Keriako Tobiko ayaa galinkii dambe ee shalay hoosta ka xarriiqay in mudadii la qabtay oo ku eg Axadda soo socoto 24-ka bishan 12 bilood oo dheeraad ah lagu kordhiyay.
Bishii saddexaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii dowladda dhexe ay guda gashay mashruuc looga gol leeyahay in boqolkiiba 15 la ballaariyo keymaha dalka.
Sido kale dowladda ayaa wacad ku martay inay soconayaan howlgallada Keynta Mau e eismaamulka Narok looga saarayo qoysas si sharci darro ah ku degay.
Afhayeenka dowladda Mr. Cyrus Oguna ayaa marar badan beeniyay in howlgallada Mau ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here