Dowladda oo isbeddel ku sameyn doonto dallacsiinta ciidamada booliska

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddelo dhowr ah lagu sameyn doono nidaamka dallaacsiinta ee saraakiisha ammaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in marka askari la dallacsiinayo lagu saleeyo waxqabadkiisa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu goob joog ka ahaa munaasabad xilal sare ay kula wareegayeen 1,702 ka mid ah ciidamada booliska ee dalka.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay machadka qaran ee booliska ee deegaanka Emabakasi , magaaladatani Nairobi.
Ciidamada la dallacsiiyay ayaa isugu jiro kuwa dambi baarista ee DCI, booliska caadiga ee (KPS) kuwa maamulka ee (AP) iyo saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.
Waxay dowladda u shaqeynayeen in ka badan 35 sano wuxuuna wasiirka arrimaha gudaha sheegay in la joogo xilligii dib u habeyn ballaaran lagu sameyn lahaa laamaha ammaanka ee wadanka.
Dr. Matiangi ayaa dhanka kale taageero u muujiyay abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai wuxuuna xusay in iyadoo loo hoggaansamayo amar horay uga soo baxay madaxweynaha dalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan arrimaha amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here