Dowladda oo joojinaysa duulimaadyada tooska ah ee magaalada Rome

Dowladda ayaa qorsheenaysaa inay joojiso duuliimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo caasimada dalka Taliyaaniga ee Rome cabsi laga qabo cudurka Coronavirus awgeed.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysaa maalin un kadib markii xukuumadda ay qaadday tallaabo noocan ah oo ay ku joojisay duulimaadyada ka yimaada Waqooyiga Taliyaaniga ee magaalooyinka Milan iyo Verona.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka James Macharia ayaa gudiyadda caafimaadka u qaabilsan aqalka baarlamaanka iyo Senetka ka hor sheegay in duulimaadyadda tooska ah ee dalka Iiraan sido kale la hakiyay.
Dalalka Iiraan iyo Taliyaaniga ayaa ah labada dal ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen cudurka Coronavirus marka lagasoo tago Shiinaha.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha dalka Karanja Kibicho oo ka soo hor muuqday guddiga caafimaadka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay weli gacanta kusoo dhigin 239 qof oo ka soo safray dalka Shiinaha isbuuci hore.
Maxkamadda sare ayaa amartay in dowladda ay xero milatari isugu gayso dhammaan dadkaas si halkaasi loogu karantiilo muddo labo toddobaad ah.
Dalkani Kenya ayaa waxaa weli aan soo gaarin caabuqa Coronavirus iyadoo shan wadan oo kamid ah qaaradda Afrika uu saameeyay cudurka COVID-19 ee uu firuusigan sababo.
Dowladda ayaa sheegtay in ay isku diyaarisay inay ka hor tagto cudurkan iyadoo Kenyaanka ay walaac ka muujiyeen diyaaradii laga lahaa Shiinaha ee toddobaadkii hore ka soo degtay gagida JKIA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here