Dowladda oo ka digaysa wajiga labaad ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in Kenya ay wajahayso wajiga labaad ee caabuqa corona kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen xaaladaha laga xaqiijiyay gudaha dalka.
Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaraddu shaacisay xaalado cusub oo ah 1,068.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee Kenya ayaa hadda ah 47,212.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in hadii Kenyaanka ay sii wadaan inay fududeystaan halista cudurka , xaalad adag ay soo foodsaari karto Kenya.
Madaxda siyaasadeed ayuu ugu baaqay inay joojiyaan isku soo baxyada ay ka qayb galayaan dad ay tiradoodu ka badan tahay 200 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here