Dowladda oo ka digtay in la faquuqo dadka uu haleelay cudurka covid-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shacabka ugu baaqay inaynan faquuq kula kicin shakhsiyaadka uu ku dhacay cudurka covid-19.
Sido kale cid kasta oo isku aragta astaamaha lagu garto xanuunka sida qandho daran,culeys dhanka neefsashada ah , madax xanuun iyo qufac qallalan ayaa laga codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan tagto xarun caafimaad si baaritaan loogu sameeyo.
Baaqan ayuu wasiirka jeediyay xilli uu walaac ka muujiyay kiisaska fayraska Corona ee sii kordhaya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay laga diiwaangeliyay 35 xaaladood oo cusub.
Kagwe ayaa dadweynaha ku nool xaafadda isku raranta ah ee Kibra ku booriyay inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.
Wasiirka oo u muuqday inuu niyadda u dhisaya Kenyaanka ayaa kiisaska badan ee la shaacinaya maalmahan u aaneeyay in baaritaano badan la sameeynaya.
Mr. Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama kiisaska cudurka covid-19 ee gudaha dalka ay sii badanayaan , in dadweynaha laga doonayo inaynan fududeysan khatarta fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here