Dowladda oo ka digtay in la musuq maasuqo gargaarka

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay cabasho muujinayeen qaar kamid ah dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan taa soo ku saabsan in la musuq maasuqay gargaarkii loogu talo galay ayaa waxaa arrintaasi ka digtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Dowladda, iyada oo ka hortageysa in gargaraka aan la musuq maasuqin ay wufuuda gargaarka sidda ay ku dartay dad Garyaqaano ah iyo Xeer ilaaliyeyaal.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Fedearalka ay talaabo ka qaadi doonto cid allaala cidii lagu arko arrimo ku saabsan musuq maasuq la xiriira gargaarka.

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sido kale faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo ololaha ugurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here