Dowladda oo ka doodeeyso sidii dib loogu furi lahaa dhaqaalahadalka

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Karanja Kibicho ayaa sheegay in dowladdu ay isku shaandhayn ku samaynayso dib-u-furista waddanka iyada oo la qaadayo tallaabooyin cusub oo lagu dhawaaqi doono Sabtida.
Kibicho ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto wada hadalo adag maadaama kiisaska ay kor u kacayaan.
Waligeen kuma jiri karno xayiraad, dowladda lacagteeda waxay ka sameysa canshuuraha, hadda dadku ma shaqeeyaan, shaqsi ahaan waxaan u maleynayaa inaan dib u furi karno laakiin la raacayo awaamir adag, “ayuu yiri Kibicho.
Waxaa si kastaba uu xusay in kasta oo xayiraadaha qaarkood la qaadi karo, dowladdu aysan meeesha ka saari doonin shuruudaha weji xirka iyo kala fogaanshaha bulshada.
Sidaa daraadeed, shirkadaha qorsheynaya inay dib u furaan shaqadooda ayuu sheegay in looga baahan doonaa inay si adag u waafaqaan tilmaamaha waji-xidhka iyo kala fogaanshaha bulshada.
Xayiraadaha ah in aan laga bixi Karin lana soo geli Karin caasimadda Nairobi, Mombasa iyo ismaamulo kale ayaa ku eg 6-da bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here