Dowladda oo ka hadashay dhakhaatiirta laga keenay wadanka Cuba

Dowladda ayaa sheegtay in 20-ka dhakhaatiir ee u dhashay dalka Cuba ee dhawaan dalka yimid ay qaadan doonaan mishaar la mid ah inta ay qaatan kuwa ka howlgala dalka.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in khubaradaan caafimaad ee khibrad ku soo kordhin doonan dhakhaatiirta dalka ee safka hore ugu jira dagaalka ka dhanka ah fayraska Corona.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in mishaar ka badan inta ay qaatan dhakhaatiirta kale aan la siin doonin khuburadaan caafimaad wuxuuna xusay in dalka ay u yimaadeen inay na caawiyaan sidoo kalana khibradooda nagu soo kor dhiyaan ayuu yiri Mutahi Kagwe.
Saraakiishan ayaa leh takhasusyo gaar ah waxayna gacan ka gaysan doonaan la dagaalanka cudurka sii faafaya ee COVID19.
Dhakhaatiirtaan ayaa ka socda Guutada Henry Reeve, waa qayb ka mid ah dhakhaatiirta ku takhasustay xaaladaha Musiibada iyo Cudurrada faafa ee Cuba.
Dalka ayaa shalay laga diiwengeliyay tiradii ugu badneyd ee maalin la ah taas oo ah 688 kiis Waxay tani tirada guud ee kiisaska coronavirus gudaha dalka ka dhigaysaa 12, 750.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here