Dowladda oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qarax miino oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo rayid ah halka 3 kale ay ku dhaawacmeen.
Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta, Ismaciil Mukhtar Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameeysteen dad rayida oo aan waxba galabsan oo saarna moota Bajaaj.
“Qaraxa waxa uu dilay haweenay iyo cunugeeda oo mooto saaran iyo qof wadada marayey halka 3 ruux kale ay dhaawacmeen, waxaa meesha maray gaadiid nooca ciidanka ah ilbiriqsiyo ka hor qaraxa ayuu yiri” Mr. Mukhtaar Oronjo.
Afhayeenka ayaa cambaareeyey qaraxa isagoo adeegsaday erayada uga adag,waxa uu intaasi ku daray in aan la dhalaysan fariimaha amni ee la xiriira bed-qabka waddooyinka la adeegsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here