Dowladda oo ka hadashay qorsho lagu abuuraya 2 bilyan oo geedo ah

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inuu heer wanaagsan maraya qorshaha la doonayo in ilaa 2022-ka lagu beero 2 bilyan oo geedo ah.
Xoghayaha wasaaradda deegaanka iyo keymaha Dr. Chris Kiptoo ayaa xusay in barnaamijkan looga gol-leeyahay in lagu sii ballaariyo baaxadda keymaha wadanka.
Waxaa uu arrinkan ka hadlay xilli uu khudbad ka jeedinayay kulan qaab online ah oo uu soo qabanqaabiyay maamulka (KoTDA).
Hal ku dhigga kulanka ayaa ahaa qorsheynta deegaanka cudurka COVID-19 kaddib.
Xoghayaha ayaa xusay in qorshaha dowladda uu ahaa in sannadkan la abuuro 500 milyan oo geed, sannadka 2021-ka , 700 milyan oo geedo ah iyo 800 milyan oo la beeraya 2022-ka balse caqabadda jirta ay tahay inaan la helin miraha la beero.
Dr. Kiptoo oo faahfaahinaya sida qorshahan loogu guulaysan karo ayaa hoosta ka xarriiqay in 35 milyan oo Kenyaan ah laga dhaadhicin doono inay geero beeraan , maalin kasta 60 geed.
Xoghayaha waaxda arrimaha dhalinyarada iyo wax soo saarka ee wasaaradda ICT-da ee dalka Jerome Ochieng ayaa dhankiisa sheegay in saameyn dhinacyo badan ah ay ka dhalatay fayraska corona .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here