Dowladda oo kordhisay mudada ardayda ay ugu biirayaan dugsiyada sare

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in ardayda sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee dalka ay haystaan ilaa iyo 24-ka bishan si ay ugu biiraan dugsiyada sare.
Mudada horay loo qabtay ayaa ku ekeyd maalinkii Jimcada ee 17-kii bishan balse maalmo dheeraad ayaa lagu daray.
Tallaabadan ayay wasaaraddu ku sheegtay mid looga gol leeyahay in arday badan ay fursadda ka faaiidsaystaan.
13-kii bishan ayay soo billaabatay in ardayda ay iska xaadiriyaan dugsiyada sare ee looga yeeray.
Wareegto uu soo saaray xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa muddo kordhintan lagu xusay.
Sido kale maamulayaasha dugsiyada ayaa lagu amray inay soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan ardayda weli dugsiyada aan tagin sabab kasta oo ay uga maqan yihiin.
Dowladda dhexe ayaa dhanka kale ku dadaalaysa in si buuxda loo dhaqangeliyo qorshaha ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u sii gudbaan dugsiyada sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here