Dowladda oo kordhisay mudada lagu qaadan karo baasaboorka cusub ee dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha gaar ahaan waaxda socdaalka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in 12 bilood lagu kordhiyay mudada Kenyaanka ay ku beddelan karaan baasaboorkii ay horay u isticmaalayeen si ay u qaataan midka dijitaalka ah.
Mudadii horay loo qabtay ayaa ku ekeyd 1-da bisha saddexaad ee sannadkan balse waxaa ay dhammaan doontaa 1-da bisha saddexaad ee sannadka 2021-ka.
Arrintan ayaa waxaa saaka sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay in 1.8 milyan oo Kenyaan ah oo u badan kuwa qurbajoogta ah aynan weli beddelan baasabooradooda.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in iyadoo xaaladda taagan lagu saleynayo muddo kordhin la sameeyay si dadka safarrada galaya ay ilaa iyo 1-da bisha saddexaad ee sannadka xiga u adeegsadaan baasaboorka ay hadda sitaan oo waqtigaas wixii ka dambeeya aan shaqeyn doonin.
Sido kale dowladda ayaa hoosta ka xarriiqday in si loo fududeeyo bixinta adeegyada dhanka socdaalka afar xarumood oo baasaboorrada laga qaadan karo laga hirgeliyay magaalooyinka Nakuru, Kisii, Eldoret iyo Embu.
Qurbajoogta dalka ayaa sido kale fursad u haysta inay tagaan 6 xarumood oo ku yaalla magaalooyinka Berlin, Paris,
London, Washington DC, Johannesburg iyo Dubai.
Sido kale wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qorsheynaysa in ugu dambeyn 1-da bisha Toddobaad ee sannadkan , hal maalin gudaheed uu qofka ku qaato baasaboorka waxaana shacabka loogu baaqay inay fursaddan ka faaiidaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here