Dowladda oo kordhisay mudada lagu qaadan karo baasaboorka cusub

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in la kordhiyay in taariikhda kama dambeyska ah ee la qaadan karo baasaboorka cusub ee dijitaalka ah.
Afhayeenka dowladda Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in taariikhdaasi oo horay ku ekeyd 31-da bisha sideedaad ee sannadkan hadda laga dhigay 1-da bisha saddexaad ee sannadka 2020-ka.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku xusay in tani ay micnaheedu tahay ilaa laga gaarayo xilligaasi in qofku uu ku safri karo baasaboorkii hore ama dadka qaar ay weli isticmaalayaan.
Mr. Oguna ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka faaiideystaan muddo kordhintan oo aynan sugin maalmaha ugu dambeeya si ay u qaataan baasaboorka dijitaalka ee loo yaqaano e-passport.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma iyo dhigeeda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ku amray inay iska kaashadaan sidii Kenyaanka qurbajoogta ah ay safaaradaha kala duwan ee Kenya ay ku leedahay caalamka uga qaadan lahayeen baasaboorka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here