Dowladda oo kordhisay saacadaha tirakoobka ee magaalooyinka waweyn

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay dib u eegis ku sameysay tirakoobka qaran ee guud ahaan dalka ka socdo kaddib markii wasiirada wasaarado dhowr ah ay kulan yeesheen.
Qodobada kulankaasi ka soo baxay waxaa ka mid ah in shacabka ku nool ismaamulada ay degganyihiin dad badan tirakoobka uu soconaya inta u dhexeysa 6-da arroornimo ilaa 10-ka habeenimo.
Dowlad deegaanadan ayaa kala ah Nairobi, Mombasa, Nakuru, Eldoret , Kisumu , Kakamega, Nyeri, Kiambu, Machakos, Kisii iyo deegaanka Thika.
Dadweynaha ku nool ismaamulada kale ee dalka ayaa la tirinayaa inta u dhexeysa 6-da arroornimo ilaa 6-da maqribnimo.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in la eegi doono saacadaha ay shaqeyeen saraakiisha loo xilsaaray tirinta dadweynaha si loo siiyo lacagta ay u xaq leeyihiin oo dhameystiran.
Waxaa uu mas’uuliyiinta tirakoobka qaran maareynaya ku wargeliyay inay warbixino faahfaahsan soo gudbiyaan.
Sido kale xoghayaha ayaa digniin adag u diray cid waliba oo isku dayaysa inay farageliso ama hor istaagto geedisocodkan muhiimka ah.
Shacabka Kenyaanka ah ayuu ku booriyay inay cabashooyinka ay qabaan iyo cilladaha jiro ku soo gudbiyaan nambarka ah 0800221020 oo wicitaankiisu wax qarash ah kaaga baxeynin.
Dr. Kibicho ayaa carrabka ku adkeeyay inaan la kordhin doonin mudada loogu talagalay tirakoobka qaran ee 7-da maalmood ah kuna eg sabtida oo ay taariikhdu ku beegantahay 31-da bishan aan ku guda jirno.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in si weyn loo sugay amniga shacabka iyo saraakiisha sameynaya tirakoobka qaran.
Waxaa qoraalka dowladda qeyb ka ah in gacanta lagu dhigay oo dhawaan maxkamadda la soo taagi doono dad isugu jiro guddoomiye xaafadeed, waxgaradka iyo qaar ka mid ah saraakiisha dadweynaha tirinaya oo lagu eedeyay inay isku dayeen kicinta shacabka iyo faragelinta howshan.
Go’aanka ay dowladda qaadatay ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah dadweynaha ay cabasho ka muujiyeen inaan weli la xisaabin.
Tirakoobka qaran oo tobankii sano hal mar ah la qabto ayaa soo bilowday 24-kii bishan sideedaad waxaa uuna dhammaanaya 31-da isla bishan iyadoo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in la ogaado tirada saxda ah ee dadweynaha ku nool gudaha wadanka si dowladda ay ugu fududaato qorsheynta iyo qoondeynta dhaqaalaha qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here