Dowladda oo ku adkeysanaysa in hal kiis keliya la xaqiijiyay

Dowladda dhexe ayaa weli ku adkeysanaysa in ilaa iyo hadda gudaha dalka laga xaqiijiyay hal kiis oo keliya.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee wadanka u qaabilsan dhanka maamulka Mercy Mwangangi ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay in haweeneydii laga helay caabuqa la daaweynayo.
Waxay hoosta ka xarriiqday in bukaanka ay weli ku jirto isbitaalka qaran ee Kenyatta qeybta lagula tacaalo cudurrada faafo oo ay xaaladeeda soo hagaagayso.
Sido kale Mrs. Mercy ayaa shaaca ka qaadday in dowladda ay ku guulaysatay in dabagal lagu sameeyo 22 qof oo ay bukaanka xiriir la sameysay.
Dadkan ayaa hadda lagu karantiilaya qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka Mbagathi ee magaaldatani Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here