Dowladda oo ku baaqday in shaqaalaha xilli hore la soo fasaxo

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dadka iyo shirkadaha loo shaqeeyo waxay ka codsatay inay howlwadeenadooda soo fasaxaan xilli hore si uunan waqtiga uga dhicin maadaama uu Bandow jiro.
Mr. Mutahi Kagwe , wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa cadaalad darro ku tilmaamay in shaqaale meel fog u hooyanaya la fasaxo iyadoo waqtigu uu gaabad yahay.
Wasiirka ayaa xusay in hadii qofka ama shirkadda loo shaqeeyo aynan shaqaalaha xilli hore fasixi Karin laga doonayo inay siiso goob uu seexdo qofkaas.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay Thika isagoo arrintan ka hadlaya ayuu yiri
Cod : Waa cadaalad daro in qofka la fasaxo waqtiga oo nus saac ka haray, 6-da iyo barka ayna deggan yihiin meel fog sida Thika, aad dhahdo waa inaad 6:30 maqribnimo baxdaan, cadaalad ma ah, mana la doonayo inay dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here