Dowladda oo ku dadaalaysa sare u qaadidda casharada online-ka ee Jaamacadaha

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalkani Kenya Prof. George Magoha ayaa maanta sheegay inay xoogga saarayaan sidii arday badan ay fursad ugu heli lahayeen qaadashada casharada ay Jaamacadaha ku bixiyaan qaabka online ah.
Magoha oo kulan la yeeshay saamileyda tacliinta ee wadanka ayaa xusay in arrinkan ay iska kaashanayaan wasaaradda waxbarashada iyo guddiga amaahda ee (HELB) si loo helo dhaqaale fududeyn karo barnaamijkan.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli dib loo dhigay qorshihii ahaa in Jaamacadaha dib loo furo bisha sagalaad ee sannadkan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay inuu jiro qaab loogu talagalay dadka aan heli karin casharada ka baxo raadiyaha , telefishinada iyo intarneetka .
Saraakiisha wasaaradda, guddiga TSC, guddoomiye xaafadeedyada iyo odayaasha xaafadaha ayaa ka wada shaqeyn doono in la helo macallimiin ardayda si lacag la’aan ah wax ku baro.
Prof. Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankan lagu saleeyay in xarumaha badankoodu aynan buuxin shuruudaha la xiriira xakameynta faafitaanka fayraska corona.
Wasiirka ayaa amray in howlaha Jaamacadaha dalka sida ardayda cusub ee ku biiraya,bixinta casharada, maareynta imtixaanada iyo xafladaha qalin jabinta qaab online ah lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here