Dowladda oo la rajeynaya inay xayiraadaha jiro fududeyso

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa maalinka berri ah jeediyo khudbad ku saabsan la tacaalidda cudurka COVID19 iyo tallaabooyinka dowladda.
In badan oo shacabka ka mid ah ayaa rajeynaya in hoggaamiyaha wadanka uu qafiifiyo amarradii horay loo soo saaray si loo xakameeyo faafitaanka fayraska corona.
Weli waxaa xiran dugsiyada iyo goobaha cibaadada waxaana mamnuuc ah isku imaatinka dadweynaha.
Dugsiyada oo lagu waday in la furo bisha sagalaad ayaa waxaa suurtagal ah in la furo sannadka soo socdo.
Sido kale waxaan ilaa iyo hadda kala caddeeyn in Mr. Uhuru Kenyatta uu sii kordhin doono mudada bandowga habeenkii iyo xayiraadda lagu mamnuucay in la soo galo ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Mandera iyo inuu meesha ka saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here