Dowladda oo la tacaalidda daadadka u qoondeysay 400 oo milyan oo shilin

Wasiirka wasaaradda biyaha ee dalka ,Simon Chelugui ayaa sheegay in dhaqaale gaaraya 400 oo milyan oo shilin loogu talagalay in wax looga qabto saameynta ka dhalato fatahaadaha , roobab xooggan oo qeybo ka mid ah wadanka ka da’ay awgood.
Shalay ayay ahayd markii ismaamulka Kitui laga soo tabiyay inay 4 qof ku dhinteen kaddib markii ay biyuhu qaadeen.
Mr. Chelugui ayaa intaasi ku daray in saameynta ugu badan ee dhanka daadadka ay soo gaartay dadweynaha ku nool gobolka waqooyi bari.
Dhanka kale waxaa digniin ku aaddan fatahaadaha loo jeediyay shacabka ku nool koonfurta ismaamulka Baringo gaar ahaan degmooyinka Marigat, Sintaan, Ngambo iyo Salabani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here