Dowladda oo laga dalbaday inay cadeeyso qaabka loo isticmaalay lacagaha COVID19

Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ee ku aaddan in faahfaahin dhamaystiran ay ka bixiso sida loo adeegsaday dhaqaalaha loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19.
Guddiga qaabilsan cadaaladda dhanka maamulka ee (CAJ) iyo senetarro hore oo kala ah Johnson Muthama, Dr. Boni Khalwale iyo Mr. Xasan Cumar ayaa sheegay inay khasab tahay in Kenyaanka loo cadeeyo waxyaabaha lacagtan lagu qarash geliyay.
Waxay baaqyadan ku soo aadayaan iyadoo baarlamaanka uu hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu amray inay baaritaano qoto dheer ku sameyso isticmaalka balaayiin shilin.
Guddoomiyaha guddiga CAJ Ms Florence Kajuju ayaa hoosta ka xarriiqday in shaqaalaha dowladda lag doonayo inay tixgeliyaan kalsoonida shacabka.
Dowladda Kenya ayaaa ilaa iyo hadda deeq bixiyaasha caalamka ka heshay in ka badan 223 bilyan oo shilin si ay ula dagaalanto coronavirus.
Waxaa lacagtan qeyb ka ah 78.3 bilyan oo ay bixisay hay’adda lacagaha adduunka ee IMF iyo 108 bilyan oo uu ku deeqay bangiga adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here