Dowladda oo laga dalbaday inay dib u soo celiso muwaadiniinta ku sugan Shiinaha

Dallada xildhibaannada dhalinyarada ah ee baarlamaanka dalka ayaa Dowladda dhexe ka dalbatay inay wadanka dib ugu soo celiso Kenyaanka ku sugan Shiinaha ee la sheegay in halkaas lagu dhibaateeyay.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Bariga Embakasi ee magaaladatani Nairobi Paul Ongili oo ku magacdheer Babu Owino ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Sido kale waxaa uu xildhibaanka cambaareeyay jirdil qaar ka mid ah ciidamada ammaanka lagu eedeyay inay gaystaan xilliga ay fulinayaan amarka la xiriira bandowga habeenkii.
Sido kale waxaa uu sheegay inaan dadka habeenkii la qabto lagu khasbi Karin karantiil qarashka ku baxaya ay dusha saaranayaan.
Sido kale mulkiilayaasha guriyaha la deggan yahay ayaa laga codsaday inaynan shacabka ku cadaadin bixinta kirada oo ayna dareemaan culeyska jiro.
Sido kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa laga dalbaday inuu xaqiijiyo in ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare lagu imtixaano oo keliya casharrada ilaa iyo hadda ay qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here