Dowladda oo laga dalbaday inay magadhow siiso waalidiinta ay carruurtooda ku dhinteen isbuurashadii Kakamega

Xafiiska bixiya adeegyada la xiriira caddaalada ee dhanka maamulka ee CAJ ayaa dowladda ka dalbaday inay magdhow siiso qoysaska 15 arday oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Kakamega.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaadday guddoomiyaha guddigan Florence Kajuju.
Waxay sheegtay inay qasab tahay in magdhow la siiyo dhammaan qoysaskaas maadaama aynan iyaga wax dembi ku lahayn dhacdadii la soo tabiyay 3-dii bishan .
Dhibaatadaas ayay ku eedeysay wasaaradda waxbarashada maadaama dhismaha dugsigaas uunan ahayn mid wanaagsan.
Ms Kajuju ayaa arrintan ka hadashay xilli ay tagtay dugsiga hoose dhexe ee Kakamega ee galbeedka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here