Dowladda oo laga dalbaday inay soo saarto lacagaha dugsiyada

Guddoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee (Kessha) Kahi Indimuli ayaa wasaaradda waxbarashada ka dalbaday inay soo saarto lacagaha ay dowladda dhexe ugu talagashay in la isticmaalo xilli dugsiyeedka labaad ee sannadkan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan culeysyo dhanka dhaqaalaha ah oo haysto xarumahan.
Mr. Ndimuli ayaa tusaale u soo qaatay inay adkaatay bixinta musharaadka shaqaalaha goobaha kala duwan ee tacliinta.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in ugu yaraan 72,000 oo barayaal ah oo ay shaqalaysiiyeen maamullada dugsiyada ay mushaar la’aan soo foodsaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here