Dowladda oo laga dalbaday inay tababarro siiso howlwadeenada caafimaadka

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta ku takhasusay bixinta daawooyinka ayaa dowladda ugu baaqay inay dhammaan howlwadeenada caafimaadka ee dalka ay siiso tababarro ku saabsan la tacaalidda cudurka COVID-19 ee saameeyay in ka badan 140 ka mid ah wadamada caalamka.
Dowladda ayaa loo soo jeediyay inay casharo ka barato saameyntii uu reebay cudurkii Ebola ee ku dhuftay galbeedka Afrika sida jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Kongo ee DRC.
Dhakhaatiirta ayaa walaac ka muujinaya inaynan lahayn tababar ku filan oo ay wax uga qaban karaan kiisaska loo soo gudbiyo.
Sido kale waxay doonayaan in xarumaha caafimaadka ee wadanka la geeyo qalab dhameystiran oo caabuqa iyo cudurka uu sababo lagu maareyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here