Dowladda oo laga dalbaday qorsho howleedkeeda coronavirus

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dowladda dhexe u qabatay muddo 11 cisho ah oo ay ku soo bandhigi karto qorsho howleedkeeda ka dhan ah caabuqa Coronavirus.
Waxaa maamulka talada haya ee Jubilee laga doonayaa inuu faahfaahin ka bixiyo qaabka uu qorsheynayo inuu kaga hortago , kormeer ugu sameeyo hadii uu wadanka soo gaarana uga falceliyo firuusigan.
Go’aankan waxaa shaaca ka qaaday garsoore James Makau oo ka howlgalo maxkamadda sare ee wadanka.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara , wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe , Dr. Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha , wasiirka gaadiidka Mr. James Macharia iyo Rachelle Omamo oo ah wasiiradda arrimaha dibadda ayaa laga dalbaday inay faahfaahino soo gudbiyaan ka hor 17-ka bishan.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii lagu wargeliyay in dowladda aynan weli xero milatari ku karantiilin 239 qof oo rakaab ah oo 26-kii bishii hore ka yimid Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here