Dowladda oo laga hor istaagay inay galeey ka soo iibsato dalka dibadiisa

Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay dhaqan gelinta qorshaha dowladda ee ku aadaana in galeey laga soo dejiyo wadanka dibadiisa.
Waxaa uu qorshaha dowladda ahaa in la soo iibiyo ilaa 4 milyan oo loorar galeey ah si looga hor tago cunno yari dalka saameysa.
Go’aanka maxkamadda waxaa soo saartay garsoore Pauline Nyamweya.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu maxkamadda dacwad geeyay Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada.
Wasaaradda beeraha ee dalka ayaa horay u sheegtay in laba milyan oo galeeyda ka mid ah loogu tala galay dadweynaha halka labada milyan ee kalena xoolaha lagu quudin doono.
Kiisaskan maxkamadda yaalla ayaa dib loo dhageysan doonaan 2-da bisha lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here