Dowladda oo lagula taliyay inay xalliso xadgudubyada gabdhaha loo gaysto

Iyadoo shalay qaaradda Afrika laga xusay maalinka canugga Afrikaanka ayaa dowladda loogu baaqay inay la tacaasho xadgudubyada kala duwan ee lagula kaco gabdhaha yaryar.
Mid ka mid ah hay’adaha u ololeeya arrimaha bulshada laguna magacaabo Equality Now ayaa sheegtay in maamulada sharci fulinta laga doonayo inay si buuxda u dhaqangeliyaan shuruucda dastuuriga ah ee dalka u degsan.
Sarkaalka hay’addan u qaabilsan dhanka barnaamijyada Naitore Nyamu ayaa hoosta ka xarriiqday in kastoo dowladdu ay sameysay horumarro dhowr ah haddana ay jirto caqabad dhanka cadaaladda ah.
Waxay carrabka ku dhufatay inay mararka qaar dadka faraxumeeya gabdhaha yaryar aan sida habboon dembigaasi lagula xisaabtamin.
Baaqa hay’addan ayaa imaanaya iyadoo warbixin caalami oo dhawaan la soo saaray lagu sheegay in Kenya ay kaalin hore kaga jirto daryeelka carruurta hase ahaate aynan weli si buuxda ugu guulaysan xakameynta guurka degdegga ee gabdhaha aan qaangaarka ahayn iyo inay xilli hore uur qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here