Dowladda oo loogu baaqay inay kor u soo qaaddo warshadda Sonkorta ee Mumias

Qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee gobolka galbeedka dalka ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay qaaddo tallaabo dib loogu soo nooloeynayo warshadda Sonkorta ee Mumias.
Dhawaan ayay ahayd markii bangiga KCB uu shaaciyay in warshaddaasi aynan haysan dhaqaale ay howlaheeda ku maareyn karto sidaasi awgeedna lagu daray liiska xarumaha musalifmay.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Senetarkii hore ee Kakamega Boni Khalwale iyo wasiirkii hore ee cayaaraha ayaa dowladda ku eedeynaya inaynan daacad ka ahayn dib u soo nooleynta warshadaha sonkorta soo saaro ee gobolkaasi.

Shirkadda korontada dalka ee KPLC iyo waaxda canshuuraha ee KRA ayaa warshadda Mumias Sugar ku leh deyn lacageed oo dhan 6 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here