Dowladda oo loogu baaqay inay xanuunada dhimirka u aqoonsato musiibo qaran

Guddi hoos tago wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dowladda dhexe kula taliyay inay ku dhawaaqdo in xanuunada dhanka dhimirka ay ka mid yihiin musiibooyinka qaran.
Guddoomiyaha guddigan Dr. Frank Njenga ayaa xusay in xanuunadan aan la fududeysan karin .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilligii dowladda ay fiiro gaar u lahaan lahayd oo ayna si weyn u daryeeli lahayd dadka dhimirka ka xanuunsan.
Dr. Frank iyo saraakiisha kale ee la shaqeeya ayaa soo jeediyay in la magacaabo guddi madax bannaan oo qaabilsan caafimaadka maskaxeed si uu warbixino sannadla ah u soo saaro.
Dowladda dhexe ayaa loo soo jeediyay inay dhaqaale ugu deeqdo guddiga la doonayo in la magacaabo si dadka xanuunadan qabo aynan uga fikirin qarashaadka ku baxaya daaweeyntooda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa dhankiisa sheegay in arrimaha la xiriira caafimaadka dhanka maskaxda ay kordheen tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan.
Kagwe ayaa xusay in arrintan ay walaac ku beertay dowladda maadaama xaaladaha nololeed ee jiro coronavirus awgii ay ka dhalatay murugo ugu dambeyn isku bedesho inuu qofku is-dilo.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2014-kii ku sheegtay in Kenya ay qaaradda Afrika nambarka afaraad kaga jirto marka la eego tirada dadka murugaysan ee ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here