Dowladda oo maanta billaabaysa la tacaalidda ayaxa saameeyay Isiolo

Dowladda dhexe ayaa lagu wadaa inay maanta billowdo buufinta ayaxa saameynta ku yeeshay ismaamulka Isiolo.
Shalay subax ayuu qorshuhu ahaa in howshan ay billaabato balse dib u dhac ayaa ku yimid.
Sarkaalka ugu sarreeya wasaaradda beeraha ee dowlad deegaanka Isiolo Salaad Jillo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay barnaamijka maanta la guda galaya.
Waxaa uu intaas ku daray in la adeegsan doono laba diyaaradood oo ay bixiyeen dowladda dhexe iyo shirkadda Farmland Aviation.
Ilaa galinkii dambe ee shalay ayaxa ayaa la soo tabiyay inuu saameeyay dhul dheerarkiisu yahau 3,150 square kiilomitir.
Meelaha ugu badan ee uu ku degay ayaa ah deegaannada Garbatulla iyo Merti si gaar ah tuulooyinka Duse, Gotu, Barambate, Toiboto, Kulamawe, Kipsing iyo waqooyiga Kinna .
Dhawaan ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in ayaxa oo gudaha wadanka lagu arkay 28-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore uu ilaa iyo hadda ku degay deegaano ka tirsan 6 ka mid ah ismaamullada dalka sida Mandera, Wajeer, Garissa, Marsabit, Samburu iyo Isiolo.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Mwangi Kiunjuri ayaa dhankiisa maalmo ka hor shacabka ku booriyay inay dowladda garab ku siiyaan la tacaalidda cayayaankan xaalufiya dhirta, daaqa ama dalagga beeraha.
Waxaa uu soo jeediyay in qof kasta oo arko cayayaan uu uga shakiyay inuu ayax yahay uu sawir ka qaado kaddibna baraha bulshada soo dhigo si loo xaqiijiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here