Dowladda oo maanta go’aan ka gaari doonta xiligga dib loo furayo dugsiyada

Dowladda ayaa maanta go,aan ka gaari doonta taariikhda dib loo furayo dugsiyada iyadoo wasaaradda waxbarshada iyo guddiga saamileyda waxbarashada la filaya inay kulmaan si ay uga wada hadlaan laba soo jeedin oo ay soo jeediyeen guddiga waxbarashada ee loo xilsaaray dib ufurka gooba tacliinta iyo golaha barasaabyada ismaamulada.
Kulanka saamileyda waxaa shir guddomin doona wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Fred Matiang’I iyo dhiggiisa caafimaadka Mutahi Kagwe.
Madaxweyne dalka Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo kulanka, kahor khudbadda qaran ee uu shacabka u jeedin doono.
Shacabka Kenyaanka ayaa waxay dhagta u taagayaan in ogaadaan taarikhda dib loo furi doona dugsiyada xilli macalimminta dugsiyada hoose dhexe iyo sare ay maanta is xaadirinayaan iskuulada si aay iskugu diyaariyaan dib u fuurka goobaha waxbarashada.
Saamileyda waxbarashada iyo guddi uu magacaabay wasiirka wasaaraadda waxbarashada ayaa waxay soo jeediyeen in iskuulada dib loo furo inta udhaxeysa 5ta iyo 19-ka bisha Oktoobar ee sannadkan, halka golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamulada dalka ee COG ay soo jeediyeen in ardayda wax ka barta Xarumaha Waxbarashada ee Carruurta ee (ECDEs) in dib loo furo bisha Noofeembar.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doona hadii is baddel lagu sameenayo jadwalka waxbarashada ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare , iyadoo bisha Juun ee sannadka 2021-ka la soo jeediyay inay tahay taariikhda sannad-dugsiyeedka cusub.
Wasiirka wasaaraadda waxbarashada Magoha ayaa marar badan sheegay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay sida loola tacaalo cudurka COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here