Dowladda oo maanta soo bandhigaysa daawada kansarka ilmo galeenka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa la filayaa inay maanta soo bandhigto daawo lagula tacaalayo nooc ka mid ah cudurka kansarka kaasi oo saameeya ilmo galeenka dumarka.
Kenya ayaa noqonaysa wadankii 16-aad ee qaaradda Afrika oo soo saaro daawo bilaash ah oo xanuunkan wax looga qabanayo waxaana ka faaiidaysanaya gabdhaha ay da’dooda tahay 10 sano jir.
Daawadan ayaa loo yaqaanaa (HPV) waxaana la siinaya ilaa 800,000 oo gabdho ah.
Tallaabadan ayaa ah mid xilli hore looga hor tagayo in dumarka uu cudurkan ku dhaco maadaama gabdhaha yaryar la sii daaweynayo.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka Mrs. Sicily Kariuki ayaa la filayaa inay daawadan kenyaanka u soo bandhigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here