Dowladda oo magdhow siin doonto in ka badan 3000 oo ah arday macallinimada baranayay oo laga hor istaagay

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Bellio Kipsang ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaaro ah aynan la kulmi doonin in ka badan 3,265 oo ah arday baranayay culuunta macallinimada oo lagu amray inay isga baxaan machadyada ay dhiganayeen.
Ardaydan ayaa haysto buundo ka hooseysa mid lagu galo machadyada dalka ee lagu barto macallinimada.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda tacliinta ee dalka ay sheegtay in arday aan haysan buundada C aanan loo ogolayn inuu macallinimada barto.
Dr. Bellio Kipsang ayaa guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada u sheegay inay nasiib darro tahay in ardayda culuuntii ay baranayeen hakad la geliyo balse dowladdu ay xaqiijin doonto inuunan wax khasaare oo dhanka qarashaadka ka baxay ah uunan ku imaan.
Shalay ayay ahayd markii ardaydan ay maxkamadda geeyeen dacwad ay uga soo horjeedaan go’aanka dowladda waxaana kiiskani la dhageysan doonaa 9-ka bishan shanaad.
Arydayda uu go’aanka wasaaradda waxbarashada saameeyay ayaa ka soo kala jeedo ismaamulada Turkana, Samburu, Wajeer, Marsabit, Isiolo, Mandera, Garissa, Lamu, Tana River, galbeedka Pokot, Kwale, Kilifi , Taita Taveta,Homa Bay, Narok, Baringo iyo Kajiado.
Wasiirraddii hore ee waxbarashada Amina Maxamad ayaa horay u sheegtay in ardayda ka soo jeedo deegaanada dhanka horumarka ku dambeeya ee xoola dhaqatada laga dhimayo natiijada ay ugu biiri karaan machadyada lagu tababaro macallimiinta dalka oo laga dhigayo buundada D+.
Amarka Amina ayaa si weyn loo soo dhaweeyay balse waxaa hadda wadanka ka jiro muran ah in ilaa 3000 kun oo arday ah ay caqabad ku imaan karto.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Adan Barre Ducaale ayaana ka mid ah dadka gaashaanka u daruuray amar maalmo ka hor uu soo saaray Kipsang wuxuuna xusay inaynan suurtagal ahayn in gobolka waqooyi bari ay macallin yari ka jirto dhanka kalena wasaaradda waxbarashada ay ku adkeysanayso amar caqabad hor leh loo arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here