Dowladda oo mamnuucday isku soo baxyada dadweynaha

Kaddib markii maanta wasaaradda caafimaadka ee dalka ay sheegtay in gudaha wadanka lagu arkay kiiskii u horreeyay ee cudur sidaha Coronavirus , ayaa waxay dhanka kale dowladdu mamnuucday dhammaan isku soo baxyada shacabka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe oo la weydiiyay inay soconayaan kullamada dadweynaha lagu wacyigelinayo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa xusay inaan la qaban karin.
Isku imaatinka la mamnuucay waxaa ka mid ah tartamada u dhaxeeya dugsiyada iyo sido kale shirarka kaniisadaha.
Hasa ahaate dowladda ayaa shaaciyay in dugsiyada ay sii shaqeynayaan oo aan la xiri doonin.
Dowladda ayaa sido kale hakad gelisay safarrada dalka dibaddiisa ee laga maarmi karo.
Mr. Kagwe ayaa shacabka ku boorriyay inay is dejiyaan maadaama sida uu hadalka u dhigay aan la joogin xilli la is eedeyo balse loo baahan yahay in loo wada istaago wax ka qabashada musiibadan.
Sido kale waxaa uu digniin u diray howlwadeenada farmasiyada oo uu sheegay inaynan kordhin karin qiimaha daawooyinka.
Wasiirka caafimaadka ayaa ku nuuxnuuxsaday in maalmo ka hor uu xusay inaynan su’aashu ahayn Kenya ma soo gaari doonaa caabuqa balse ay tahay gormee lagu arki doonaa.
Mr. Kagwe ayaa arrimahan ka hadlay isagoo ay wehelinayaan dhigiisa gaadiidka James Macharia, wasiirka dalxiiska Mr. Najib Balala, wasiiradda arrimaha dibadda Mrs. Raychelle Omamo,wasiirka warfaafinta Mr. Joe Mucheru ,xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho iyo mas’uuliyiin kale.
Mr. James Macharia ayaa sheegay in 10-kii bishan dhammaan shaqaalaha waaxyaha gaadiidka la isugu yeeray shir gaar ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay tababaro ku qaban doonto meelaha baabuurta laga raaco inta u dhaxaysa 10-ka barqanimo ilaa 4-ta galabnimo.
Waxaa tababar la siinaya wadayaasha basaska , gawaarida loo yaqaano mataatuuda iyo dadka la shaqeeya.
Mr. Macharia ayaa xusay in boqolkiiba 90 dadweynaha dalka ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha sidaas awgeedna mudnaanta koobaad la siinaya si looga hor tago in rakaabka ay caabuqa isku gudbiyaan.
Dhanka kale afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs.Kanze Dena Mararo ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa ka hor tagga cudurka COVID-19.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loo dhaqangeliyo go’aankii shaqaalaha dowladda looga mamnuucay inay dalka dibaddiisa ku tagaan safarro aan muhiimad gaar ah lahayn.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ganacsatada iyo dhammaan shacabka ku boorriyay inaynan u ambabixin safarro laga maarmi karo gaar ahaan meelaha halis sare ay ka jirto.
Dhammaan Kenyaanka wadanka ku soo laabanaya iyo muwaadiniinta dalalka kale waxaa la karantiilaya muddo 14 cisho ah sida ay ku talisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Sido kale xarumaha waxbarashada ayaa laga doonaya inay nadaafadda ku dadaalaan oo ardayda iyo howlwadeenada ay si joogto ah maalin kasta gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la soo saaro istaraatiijiyad ku saabsan daryeelka dadka saboolka ah iyo kuwa dhibaatooyinka u nugul gaar ahaan kuwa ku nool xaafadaha isku raranta ah.
Guddoomiye xaafadeedyada , maamulayaasha deegaanada hoose , mas’uuliyiinta xaafadaha iyo madaxda diimeed ayaa laga doonaya inay wacyigelin sameeyaan sido kalena ay isku dubaridaan ka falcelinta caabuqa .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sido kale amray in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda dowladda si loo helo lacago loo adeegsan karo ka hor tagga iyo maareynta caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here