Dowladda oo meesha ka saartay gorgortan lala galo kooxdii Mandera dhakhaatiirta ka afduubtay

Dowladda dhexe ayaa meesha ka saartay in wax gorgortan ah lala galayo kooxdii 12-kii bishii afaraad ee sannadkan magaalada Mandera ka afduubatay laba dhakhaatiir ah oo u dhashay wadanka Cuba kuwaasi oo ka howlgalayay isbitaalka weyn ee Mandera.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa sheegtay in xeerarka dowladdu aynan ka mid ahayn in laga wada hadlo madax furasho sida ay hadalka u dhigtay ay mintidiin dalbanayaan.
Hadalka wasiiradda ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdii labada howlwadeena kaxeystay ay dalbanayaan in la siiyo 150 milyan oo shilin.
Wasiiradda ayaa intaasi ku dartay inuu weli socdo howlgalka lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dhakhaatiirta kala ah Dr Herera Corea iyo Dr Landy Rodriguez.
Monica Juma ayaa sido kale gaashaanka u daruurtay warbixinada ah in kooxdu ay dalbatay lacag madax furasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here