Dowladda oo meesha ka saartay in dib u eegis lagu sameeyo xilliga uu bandowga billowdo

Kaddib codsi dhawaan ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo culimada gobolka xeebta ayuu wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe sheegay in waqti xaadirkan aynan suurtagal ahayn in isbeddel lagu sameeyo bandowga xilliga habeenkii wadanka ka jiro.
Baaqa Dowladda loo diray ayaa ahaa in bisha Ramadaan gudaheeda saacadda uu bandowga billaabanaya oo ah 7-da fiidnimo laga dhigo 9-ka fiidnimo.
Waxay culimada iyo siyiintiinta codsigooda ku saleeyeen in dadka danyarta ah ee ay afurinayaan walaalahooda muslimiinta ah ay fursad u helaan inay guriyahooda dib ugu laabtaan.
Mr.Kagwe ayaa xusay in muslimiinta laga doonayo inay dareemaan xaaladda adage e jirta oo ayna soomaan iyagoo dhanka kale ilaalinaya awaamiirta dowladda oo uu bandowga ka mid yahay.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo dastuurka dalka uu tixgelinayo xuquuqda diimeed haddana aan la joogin xilli xeerarka qaar la fududeyn karo.
Mr. Kagwe ayaa carrabka ku dhuftay in hadii isbeddel la sameynayo la doonayo inuu noqdo mid tallaabooyinka lagu sii xoojinayo.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu qaab online ah kulan kula qaatay xubno aqalka sare uu u xilsaaray covid-19.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in cudurka gudaha dalka ku haleelay 262 qof uu weli yahay caqabad taagan sidaas awgeedna muslimiinta Kenyaanka ah uu ka codsanaya inay dulqaad muujiyaan.
Ilaa iyo shalay waxaa cudurka gudaha dalka ugu dhintay 12 qof waxaana ka bogsaday 60 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here