Dowladda oo qorsheneyo inay beerto 10 milyan oo geedo ah

Dowladda ayaa ku dhawaaqday qorsho ay ku beerayso in ka badan 10 milyan oo geedo ah oo lagu abuurayo keynta Mau ee ismaamulka Narok.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa toddobaadyo un kaddib markii qoysas halkaas si sharci darro ah ku degay lagu amray inay isaga guuraan.
Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka, Keriako Tobiko ayaa sheegay in howshan uu hadafkeedu yahay sidii loo soo celin lahaa sumcadi ama bilicdii iyo baaxaddii keynta.
Waxaa uu bartilmaameedsigu yahay in abuuridda in ka badan 10 milyan oo geedo ah ay billaabato koowda bisha 11-ad ee sannadkan.
Mr Tobiko ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay badbaadinta keynta Mau.
Waxaa uu wasiirku dhanka kale xusay in 3 milyan oo kamid ah geedaha laga dhigo doono kuwa miraha leh.
Mr. Tobiko ayaa casuumay xubno ka tirsan shacabka deegaankaasii iyo hay’adaha ka howlgalo isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan beerista geedahaasi.
Dowladda ayaa weli ku adkeysaneysa in aysan ka gaabin doonin badbaadinta keyntaasi iyadoona qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee laga soo dortay gobolka Riftvalley ay ka soo horjeedaan barnaamijka dowladda dhexe ay waddo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here